Heshiiskii Shiikha iyo Garyaqaanka

RH. Hargeysa: Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaar ahaan xafiiska wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed , ka dhacey heshiis qaatay Saacad oo lagu dhex galley xurgur ka dhallatey hadallo hawada la isu mariyey oo dhexeeyay  labo xubnood oo caanka ah Somaliland kuwaas oo kala ahaa.

1. Sheekh Cabdiraxmaan Dheere

2. Garyaqaan Guuleed Dalfac

Heshiiska ayaa yimid kadib kolkii garyaqaan Gulleed dacwad ka dhan ah sheekha uu u gudbiyey xeer ilaaliyaha Somaliland isla markaasina uu nuqul ka mid ah dacwada gaadhsiiyey wasaarada diinta iyo awqaafta .

Intaas ka dib waxaa kahawlgalay heshiisiinta  labadan xubnood Wasiirka diinta iyo awqaafta ee SL sheekh Khalliil iyo xubno kale oo magac iyo karaamo ku leh bulshada  waxaaney suurto galliyeen in ay wada hadashiiyaan labada xubnood.

Saacad kadib waxa ay hawshii ku soo gebo-gabowday is raaligallin iyo is gacan qaad sida halkan idiinka muuqata.

 

Radio Hormuud 

Hargeysa

Category