Ifraax Cabdishakuur oo noqotay gabadha ugu quruxda badan deeganka Soomaalida

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarrunta deeganka Soomaalida, waxaa lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayay gabadha ugu quruxda badan deeganka.

Ifraax Cabdillaahi Cabdishakuur ayaa loo aqoonsaday in ay tahay gabadha ugu quruxda badan gabdhaha deeganka, waxaana la tartamay gabdho badan.

Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar Cagjar ayaa billadda quruxda guddoonsiiyay Ifraah, waxaana uu u rajeeyay gabdhaha kale ee deeganka inay ku guuleysan doonaan tartamada kale ee la qaban doono.

Sawirrada Ifraah lagu guddoonsiinayay abaalmarinta ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee Soomaalida ku kala xiriirto, waxaana ay dadka ka faalloonayeen tartanka quruxda gabdhaha ee lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo abaalmarin siiyay Ifraax

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category