IGAD oo Ruushka kacodsatey in uu saldhig meleteri kasameysto Somaliland

RH. Kolding: Urur goboleedka IGAD wuxuu rajaynayaa in Ruushka uu ka caawin doono dhismaha xaruntii ugu horeysay ee kansarka ee bariga Afrika, xoghayaha fulinta ee ganacsiga ee urur gobleedka, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa wareysi uu siiyay Sputnik  kuyidhi

"Waxaan ka dhisi doonnaa Addis Ababa, Ethiopia Xarun heer sare ama  heer caalami ah . Dowlada itoobiya waxay na siisay dhul aanu ugu tala galnay ujeedadaas. Waxaana ka codsaneynaa dhanka teknolojiyadda , Agabkan, maalgalinta saaxiibadayada.

 Tani waa mid kamid ah arimihii  aanu kala hadalney  Wasiirka Arimaha Dibada ee ruushka Mr.Sergey Lavrov markii aanu la kulaney isna si wanaagsan ayuu uga jawaabay, "Gebeyehu ayaa sidaas yidhi.

Iskaashiga aanu ka rabno  Moscow ee abuurka xaruntan cusub waxay salka ku haysaa khibrada Ruushka ee cilmi baarista caafimaadka, xoghayaha fulinta ee IGAD ayaa yidhii sidaas isagoo intaas ku daray in mashruucan uu gacan ka geysanayo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo Bariga Afrika.

"Tikniyoolajiyadda Ruushka ee dhanka caafimaadku waa mid si heer sare ah . Waxaan rajeyneynaa in suurtagal tahay in tani ay tahay aag aad u wanaagsan oo iskaashi oo keenaya xidhiidhka dadyowga iyo dalalka.

Tani waa diblomaasiyad caafimaad, laakiin intaas waa ka badan tahay waxyaabaha aanu iska kaashaneynaa. run ahaantii wuxuu mar labaad Ruushku ku yeelanayaa saameyn dalalka iyo dadka gobalka , ”ayuu yiri Gebeyehu.

Xoghayaha fulinta ee IGAD ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Lavrov, oo lagu qabtay magaalada Moscow Arbacadii, inuu sidoo kale lasoo qaaday mowduuc ku saabsan iskaashi dheeri ah oo ku saabsan abuuritaanka xarun ka hortagta musiibooyinka iyo xarun militari oo uu Ruushku ku yeesho Jamhuuriyada madaxbaanida  iskeed ugu dhawaaqdey ee Somaliland .

"Waqtigaan la joogo, gobolka IGAD waxaa soo foodsaaray sedex dhibaato: dhibaatada coronavirus, dhibaatada sugnaanta cuntada, iyo masiibooyinka deegaanka ee dabiiciga ah, oo ay ku jiraan ayaxa iyo daadadka.

.. Taasi waa mid ka mid ah waxyaabihii aan kala hadlay Wasiirka Lavrov. Waxaan qorsheyneynaa inaan dhisno nidaam aad u adag oo digniinta ugu horayso iyo sidoo kale xarun ka hortagga musiibooyinka ee IGAD oo ku taal Nairobi, Kenya.

cfdr

Markaa waxaan weydiisanay caawimaad Ruushka jawaabtuna waxay ahayd mid aad u wanaagsan. Waxaananu ka fileynaa dhanka taageerada farsamada iyo xagga maalgelinta, ”ayuu yiri Gebeyehu.

Urur goboleedka IGAD wuxuu u furan yahay wada shaqeyn uu la yeesho xubnaha kale ee beesha caalamka, anaka oo hubineyna in taasi aysan qatar ku aheyn amaanka gudaha ee wadamada gobolka, ayuu yiri xoghayaha fulinta mar la weydiiyay suurta galnimada in Ruushka uu saldhig militari ka sameysto Somaliland.

Wadashaqeynta noocan ah, ee gacan ka geysaneysa horumarka gobolka, ayaa ah tan ugu badan ee la soo dhaweynayo. Waxa aanan taageeridoonini waa in la carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda gudaha, in hal waddan, ama gobolka, ama biyaha ku xeeran aaggaas laga dhigo garoon lagu tartamo. , waataas mida aanu isu kaashaneynaa "ayuu yidhi Gebeyehu.

Isha warkan. https://www.urdupoint.com/en/

Tarjumaada. Mohamed-amin Siyad Abdi

Category