Imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya oo fashilmay.

Xalay ayuu wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre kaga dhawaaqay telefishanka dawladda, in guud ahaanba la joojiyey imtixaankii dugsiyada sare e e dawladda.

Isagoo joojintaas ku sababeeyey in imtixaankii oo iib ahi suuqa soo galay. Warar kala duwan oo baraha bulshada lagusoo bandhigay ayaa lagu arkayey waraaqihii imtixaanaadka, oo sida la sheegayba lagu kala gadanayey meelaha qaar. Imtixaankaas oo tan iyosabtidii, ka socday gobollada iyo badhtahama Soomaaliya.

'waxaa nasiib darro in qof hunguri ka raadiyo imtixaanka, iyadoo weliba bil ramadaan lagu jiro, waxaa nasiib darro in waalidiintii qaar ka qaybgaleen iibintii imtixaanaadkaas, waxaa nasiib darro ah in arday dedaalay uu soo dhinac fadhiisto mid isku hallaynaya inuu soo iibsaday imtixaankaas' ayuu sheegay wasiir Cabdillaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay, in goobihii kale oo dhan uu caadi uga socday ee ay hal goob keliya ku kacday falkan, isaga oo aan carrabaabin goobtaasi.

'imtixaankii hore loo qaaday waa la baaba'shay, berritana imtixaan ma jiro' ayuu intaasi ku daray wasiirku.

Sidoo kale wasiir Goodax ayaa sheegay, in imtixaankaa dib loo qaadayo iyadoo si ka duwan sidii hore aan loo qaadi doono. Maalmaha uu socdana baraha bulshada la xidhi doono. Waxaana dib loo qaadi doonaa 27-ka illaa 31-ka bishan.

Arrrintan ayaa dhaawac ku ah dawladda iyo wasaaradda waxbarashada oo muddooyinkii ugu danbeeyey dedaal ugu jirtey midaynta imtixaanaadka dalka, sidoo kale waxay arrintani niyadjab ku tahay shacabka soomaaliyeed iyo haayadaha dhaqaalaha ku bixiya joogtaynta imtixaankaas oo aan marnaba filayn in sidani dhici doonto.

Maamul goboleedka Buntland ayaa hore u diiday imtixaankan. Taasina waxay ka cadhaysiisay dawladda federaalka. Imtixaan isku mid ah in laga qaado dugsiyada sare ee koonfurta iyo badhtamaha waxay soo bilaabatay sannadkii 2015, iyadoo iskudayadii hore ay guuldarraysteen dhammaantood.

 

source.BBC

Category