Itoobiya: Jawaar Maxamed iyo mucaarad kale oo argagixisonimo lagu soo oogay

Shakhsiyaad magac leh oo mucaarad ah ayaa ka mid ah 24 qof oo ay Itoobiya ku soo oogtay dacwad ah argagixisonimo.

Eedahaas ayaa waxay la xidhiidhaan qalalaase isir ku salaysnaa oo dhawaan ka dhacay dalkaas ka dib markii la dilay heesaa caan ah oo Oromo ahaa, Hachalu Hundessa, waxaana ku dhintay rabshadahaas dhacay dabayaaqadii bishii Juune 150 qof.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in dadkaa maxkamad la horgeyn doono maalinta Isniinta.

Dadka dhaliila Ra'isal Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyey in uu xidhxidhayo dadka mucaarida xukuumaddiisa.

Jawaar Maxamed oo ah nin awood badan ku leh warbaahinta hase yeeshee markii dambe noqday siyaasi mucaarad ah oo ay dad badani taageeraan una badan dhalinyarada Oromoda, ayaa ka mid ah dadkaa dacwadda lagu soo oogayo.

Waxa la xidhay bishii Juulaay markii ay ciidamada nabadgelyadu qabqabashada bilaabeen. Qareenkiiisa ayaa se Sabtidii ganafka ku dhuftay dacwaddaa lagu oo oogay waxaanu ku tilmaamay mid aan sal lahayn.

 

xigasho . BBC

Category