Jadwalkii doorashada ee golaha aqalka sare oo fashilmay + sababta

Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalkii doorashada ee xildhibaanada aqalka sare ee horey loo soo saaray, kadibkii heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Qorshaha ayaa ahaa in 1 December ee 2020-ka oo maanta ku beegan in ay dowlad goboleedyada dalka ka bilaabato doorashada xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya aqalka sare, balse fashil ayaa ku yimid jadwalkii horey loo shaaciyey, sida uu muuqata.

Illaa iyo hadda ma jirto tallaab loo qaaday dhaqan-gelinta jadwalkaasi oo lagu caddeeyey in doorashada aqalka sare ay dhaceyso 1- da illaa 10-ka bisha December.

msju

Sababta ayaa waxaa lala xiriirinayaa khilaafka ka taagan dhismaha guddiyadda doorashooyinka dalka oo ay walaac ka muujiyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale arrinta labaad ee dib u dhigtay jadwalkan ayaa ah in aysan weli maamullada Jubbaland iyo Puntland soo magacaabin guddiyadii doorashada ee heer dowlad goboleed, kuwaas oo mas’uul ka ahaa doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.

Si kastaba dib u dhacaan ayaa saameyn ku yeelanaya doorashada 2020/21, oo horey jadwalkeeda loo soo saaray, waxaana weli jira is-mari waa ka taagaan hannaankeeda.

 

xigasho. Caasimada.net

Category