Jubbaland oo soo celisay saraakiil dowladda magacowday oo tagtay Kismaayo

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu soo laabtay taliyaha cusub ee hey’adda sirdoonka Jubbaland iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan dowladda ay magacowday, kaddib markii loo diiday in ay galaan magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan kala tashan magacaabiista labada sarkaal, isla markaana shir ka dhacay Baydhaba madaxda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada ay ku heshiiyeen in maamullada lagaal tashado magacaabiista saraakiisha.

Labadan sarkaal shaley ay ka gaareen Kismaayo hase yeesheen Jubbaland waa ay u diiday in ay gudaha u galaan magaalada.

Saraakiishan ayaa tan iyo xaley waxa ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Sidan oo kale, waxaa horrey loogu sameeyey taliyihii loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee dowladda federaalka ee qaabilsan gobollada jubbooyinka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) dabadeedna waxa uu tagay magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo halkaasoo xilka uu kula wareegay.

Tallaabadan ayaa muujineysa xiriirka sii xumaanaya ee ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Ma jirto wax war ah oo dowladda ka soo baxay oo ku saabsan saraakiishan loo diiday in ay galaan magaalada Kismaayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category