Karaash: Madaxweyne Deni hadda salaanta iskama qaadno

Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas'uul.

Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.

Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas'uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

"Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah," ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.

Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Balse waraysi uu maalin ka hor madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go'aanka magacaabista xilalka.

"Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go'aanka uu madaxweynuhu leeyahay," ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Khilaafkooda

Isfahan waaga labada mas'uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka.

Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi.

"Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa," ayuu yiri Axmed Karaash.

Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland.

Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga.

Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019.

Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas'uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go'aannada masiiriga ah ee maamulkaasi.

 

isha warka. BBC

Category