Kenya oo isaga baxday dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya

Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation.

Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go'aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska cudurka safmarka ee Karoona dartii.

Sidoo kale, wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso warqad ay ku sheegeyso in aysan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwadda.

Wuxuu intaas ku daray in qareenada ay berri maxkamadda ka codsan doonaa inay siiso 30 daqiiqo si ay sharraxaad uga bixiyaan sababta aysan uga qeybgaleynin dhageysiga kiiska.

Dhanka kale, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa BBC u xaqiijiyay in Kenya ay isaga baxday dhageysiga dacwadda.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli berri lagu wado in maxkamadda caddaaladda adduunka uu ka bilowdo dhageysiga dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya xilli labada dal uu ka dhex tagaan yahay khilaaf diblumaasiyadeed.

Bishii hore ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

ISHA: BBC

Category