Kenya oo soo saartey qoraal ay ku cadeysay in ay rabto xafiis dublamaasiyadeed oo ay ka furaneyso Hargeisa

Kenya waxey ku faraxsan tahay in Somaliland ay ku nool yahiin muwaadiniin badan oo Kenyaan ah kana shaqeystaan, waxaana ka shaqeyneynsaa inaan xafiis diblomaasi ka furno halkaas,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

“Tani waxey sii ballaarineysaa xafiisyada labada waddan, waxeyna muwaadiniinta Kenya siineysaa in ay helaan adeegyada dowladooda” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Hadalka kasoo baxay xafiiska wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Soomaaliya iyadoo aan wali Somaliland la siinin aqoonsi caalami ah.

Wafdi ka socda Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay gaarayay Hargeysa iyadoo la filayo iney kuwa kalana halkaas gaadhaan.

Category