Kismaayo oo doorashooyin ay ka dhaceen

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday labo doorasho, waxaana mid ka mid ah lagu doortay madaxweynihii horre Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Doorashada uu ku guuleystay Axmed Madoobe waxa ay soo toos ah uga baxaysay talefishanka Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe la tartamayay labo musharrax kale oo midi ay tahay dumar.

Axmed Madoobe waxaa la tartamayay gabar la yiraahdo Canab Maxamed Daahir iyo nin la yiraahdo Maxamed Maxamuud.

Xildhibaannada codeeyay ayaa tiradooda lagu sheegay 74 xildhibaan, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay 56 cod uu helay madaxweynihii waqtigiisa uu dhammaaday ee Axmed Madoobe.

Canab ayaa heshay 17 cod halka Maxamed uu helay 1 Cod.

Guddoomiyaha maxkamadda Jubbaland Sheekh Axmed ayaa dhaariyay madaxweynaha Jubbaland iyadoo uu garab taagan taliyaha ciidanka.

Axmed Madoobe ayaa halkaas khudbad ka jeediyay, isagoo sheegay in uu wax badan qaban doono afarat sanno ee xilka uu hayay.

Axmed Madoobe ayaa markii labaad ku guuleystay in madaxweyne ka noqdo afarta sanno ee soo socoda Jubbaland.

Dhinaca kale, xubanaha mucaaraadka ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa iyana sheegay inay doorteen Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada waxaa maanta ka dhacay bannaanbaxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageerayo labada madaxweyne ee maanta lagu doortay Kismaayo.
Beesha caalamka iyo dowladda federaalka ayaa horrey u qaadacay doorashooyinka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category