Kismaayo waxaa ka furmay carwada bandhiga buugaagta

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxa maanta oo Axad ah ka furmay bandhigga buugaagta, waana sannadkii saddexaad ee la qabanayo bandhiggaasi tan iyo markii la billaabay 2017-kii.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo marti sharraf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka bandhigga saaka, sidoo kale waxaa goobta carwada ku sugnaa dhallinyaro fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Kismaayo.

Carwada Bandhigga Kismaayo oo socondoonta muddo saddex cisho ayaa la filayaa in lagu soo bandhiggo buugaag ka hadlaya dhaqanka iyo afka hooyo iyo sidoo kale buugaag cusub oo ay qoreen qorayaal Soomaali ah iyo ajnebi ah isugu jirta.

Sidoo kale dooddo, iyo aqoon isweydaarsiiyo, iyo tababaro ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta ayaa lagu soo bandhi muddada seddexda maalin ah ee ay socoto carwadaasi.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category