Kolding: Iskuulada iyo Xanaanooyinka oo dib loo furidoono Isniinta

RH: Magaalada ayaa guud ahaan xidhneyd 2 todobaad ee la soo dhaafey kadib kolkii lagu war helay xanuunka covid-19 gaar ahaan nooca loo yaqaan P117 oo si xawli ah ugu fidaya magaalada, xanuunka ayaa la sheegay in uu ka yimid fiditaankiisu dugsiga Munkvængetskole , Brændkæjer iyo waliba xanaano u dhow, si kastaba aha ahaatee fiditaanka xanuunka ayaa hoos udhacayey  todobaadkii u dambeeyay kadib dadaal bulshada oo dhan ah iyo wacyigallin iyo baadhitaan is barbarsocda .

Hadaba fariinta ogolaanshiiyaha Iskuulada in dib loofuro ayaa la helay shaley kl. 17:30  kadib kolkii wasaarada waxbarashada iyo hay'ada badbaadada bukaanku uogolaadeen in dib loo furikaro Iskuulada iyo xanaanooyinka  iyada oo taxadir la raacinayo isla markaasina  si joogto ahna la isu wadabaadhi doono 2 da todobaad ee soo socda.

Fasallada  Isniinta furmaya ayaa ah  0 - 4 klasse.

Xasuusin: waa in shaqaalaha iyo caruurta skuulka loo dirayaa haystaan corona test  Nagativ/ ikkepåvist.

Category