Kolding: MARKA AY SIYAASIYIINTU XAFIDAAN AMAANADA WAA BULSHADOODA U HAYAAN WAA SIDAN OO KALE. warbixin iyo sawiro

RH. Kolding waa magaaalo yar oo kutaala bartamaha Denmark,  tirada dadka ee ku nooli waa 60.508 qof  waxaana ka mid ah ilaa 700 qof oo Soomaaliya. Waana magaalada ay ku taalo xarunta Radio Hormuud.

 

Waxaanu maanta idinla wadaagaynaa xiisaabxidhiki degmada oo shalley lasoo bandhigay , waxaana maamulka miisaaniydada iyo jaangoonteedaba leh gollaha degaanka magaaladda oo ka kooban 25 xubnood oo ka yimid 6 xisbi siyaasadeed,

Soomaalidu way ka qeybgashay doorashadii u dambeysay balse kumey guuleysan in ay qof soo saarto.

cvfrcdfrt

 

MIISAANIYADII IYO XISAAB XIDHKII 2018

 Waxaa shalley lasoo bandhigey miisaaniyadii iyo xisaabxidhkii 2018 kii waxaana wax  lagu farxo aheyd in markii degmadu isticmaashey  qarashkii loo asteeyay miisaaniyada in ay soo hadhey lacag dhan 1.7 miylan karoon. 

Miisaniyadii 2018 ee magaaladan yar ayaa dhameyd 6 bilyan  oo ah lacagta karoonka ee Denmark una dhiganta  903.036.000 USD ,waxaa xiiso lahaa in dakhliga miisaaniyada lagu daray dhulal iyo guryo dawlada hoose laheyd oo la iibiyey lacagtii ka soo xarootey oo dhameyd 46 milyan oo karoon.

Lacagtan  ayaa ku baxdey ,  iskuulada dawlada, xanaanooyinka caruurta, daryeelka dadka waaweyn, adeegyada dadweynaha iyo wadooyinka, halka waxbarshada sare, nabadgalyada iyo caafiimaadka ay dawlada dhexe iyo goboladu bixiyaan.

Denmark maaha dal leh qaniimooyinka uu Alle ugu deeqay  dalalka dunida qaarkood sida macdanta iyo shidaalka iyo waliba cimilo sannadkii oo dhan wax laga beeri karo, balse waa bulsho yar oo isku tashatey oo  dhaqaale ku bixisa maalgallinta dadka si ay u soo saaraan dad waxkusoo kordhiya nolosha dadka iyo dalka, dhaqaaluhuna intabadan waxa uu ka soo xaroodaa cashuurta yar ee dadka laga ururiyo oo la xafidey.

cdfeccdfgt

Xubnaha gollaha degaanka iyo xarunta dawlada hoose

 

Diyaarinta : Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

Radio  Hormuud

Category