Kolding oo dib u eegis ku sameynaysa xeerarka adeegga bannaanka ee maqaaxiyaha bartamaha magaalada

KOLDING: Kolding Kommune ayaa bilaabaysa dib-u-eegis lagu sameynayo xeerarka iyo shuruudaha khuseeya adeegga bannaanka (udeservering) ee maqaaxiyaha iyo goobaha wax laga cuno ee  ku yaalla bartamaha magaalada.

Arrintan ayaa lagu wadaa in Plan- og Teknikudvalget uu ka doodo kulan Talaadada ah, iyadoo maamulka degmada uu soo jeediyay in la sameeyo hannaan cusub oo lagu mideynayo oo lagu casriyeynayo shuruudaha goobaha adeegga bannaanka.

Maxaa keenay dib-u-eegista?

Sida lagu sheegay ajandaha kulanka, oggolaanshaha goobaha adeegga bannaanka waxaa sannado kala duwan lagu bixiyay iyadoo lagu saleynayo shuruudo iyo habraacyo kala duwan.

Taasi waxay keentay in maqaaxiyaha iyo Restoranadu ay ku shaqeeyaan shuruudo kala duwan, sidaas darteedna degmada waxay rabtaa in la sameeyo qaab guud oo cad oo casri ah.

Ganacsatada ayaa lala tashanayaa

Kolding Kommune waxay qorsheynaysaa inay bilowdo wada-tashi iyo hannaan horumarineed oo ay la yeelanayso milkiilayaasha maqaaxiyaha  ku yaalla bartamaha magaalada.

Marka hore ganacsatada waxaa loo diri doonaa warqad lagu sharxayo habka iyo marxaladaha shaqada. Kadib waxaa la qaban doonaa kulan guud oo xog-bixin ah, waxaana maamulka degmada uu si gaar ah ula kulmi doonaa ganacsatada si looga wada hadlo goobaha ay hadda isticmaalaan.

Degmadu waxay carrabka ku adkeynaysaa in ujeeddadu aysan ahayn in dhammaan maqaaxiyaha laga dhigo kuwo isku muuqaal ah. Ganacsatada ayaa weli yeelan doona fursad ay ku ilaashadaan aqoonsigooda iyo muuqaalka gaarka ah ee goobahooda.

Hase yeeshee, degmada waxay rabtaa in dhammaan goobaha adeegga bannaanka ay buuxiyaan heer tayo oo mideysan, gaar ahaan marka ay isticmaalayaan goobaha dadweynaha ee bartamaha magaalada.

Maxay xeerarka cusub diiradda saari doonaan?

Tilmaamaha cusub waxaa lagu qiimeyn doonaa arrimo ay ka mid yihiin:

  • Goobta iyo cabbirka meelaha adeegga bannaanka;
  • Alaabta iyo qalabka lagu isticmaalo goobahaas;
  • Sida goobaha loo xaddidayo ama loo kala qeexayo;
  • Muuqaalka guud iyo sida ay ula jaanqaadayaan deegaanka magaalada;
  • Dayactirka iyo nadaafadda goobaha;
  • Helitaanka iyo marin-u-furnaanta, si dadka lugaynaya iyo dadka kale ay si habsami leh ugu gudbi karaan goobaha dadweynaha.

Goorma ayaa la filayaa xeerarka cusub?

Talaadada, guddigu wuxuu marka hore ka fiirsanayaa soo-jeedinta maamulka. Haddii geeddi-socodka la sii ambaqaado, waxaa bilaabanaya wada-tashiga iyo shaqada lagu diyaarinayo xeerarka cusub.

Soo-jeedinta ku saabsan qaab-dhismeedka iyo tilmaamaha cusub waxaa la filayaa in Plan- og Teknikudvalget loo soo bandhigo dhammaadka dayrta 2026.

Arrinta waxaa sidoo kale loo gudbin doonaa Bevillingsnævnet si ay xog ahaan ula socdaan.

Sidaas darteed, maqaaxiyaha  Kolding weli lama saarin xeerar cusub; waxa hadda socda waa dib-u-eegis, wada-tashi iyo diyaarinta nidaam cusub oo la filayo in la soo bandhigo dhammaadka 2026.

Category