Kolding: Xaruntii iyo masaajidkii Soomaalida oo xidhmay

RH kolding: Ururka Soomaalida ee magaalada Kolding ayaa dhidibada lootaagey  26 sanno kahor , tan iyo waagaasna waxa uu ururku lahaa xarun uu danihiisa ku fushado , oo ay ugu dhextaalo masaajid, maqaaxi, xafiis, qol ay kombuyuutero yaalliin, qol bilyard uu yaalo ,qol maktabad ah iyo goob ay isaga sheekaystaan.

Goobtaan ayaa ku taaley bartamaha  magaalada Kolding taas oo ufududeyd in uu qof walba magaalada geesta uu uu doono haka deganaadee si fudud soo gaadho.

Goobtii caynkaas ahayd  waxaa suurtoobiweyday in ay dadweynaha Soomaaliyeed ee reer kolding ku faroadeygaan. HADA WAY XIDHANTAY. xidhitaanka xaruntan waxaa soo dedejiyey dawlada hoose ee magaalada oo kabitaankii ay siinjirtay ka goysay , dadweynihii oo lacagtii xubinnimada ama sadaqada wada bixinwaayey iyo goobta oo ah mid aad u qaaliya maadaama oo ay ku taalo jidka ganacsiga ee magaalada .

Waxaa xarunta furayaasheeda la wareejin doonaa  30.May.19 hadii aaney fursad kale oo ay kusii furnaataa meel aan la fileyn  kasoo bixin.

Ilaa hadana ma muuqato dadaalo goobkale  oo ay Jaaliyadu degto dib loogu yagleelayo.

vfg

Hadii aad faalo kadhiibeynayso  , halkan hoose noogu reeb.

Category