Kolding.Telefon kuhadal, xawaare dheereeya, sakhrad : 53 dawaral oo falalkan lagu qabtey 7 saacadood gudahood

RH. Kolding: Maallintii Salaasadii 5. Nov ayey aheyd markii Booliiska degmada kolding wadooyinka istaagey si uu u hubiyo in wadayaasha baabuurtu sharciga dhawrayaan iyo inkale.  

Nasiibdaro 53 darawal ayaa  lagu qabtey falal sharciga baalmarsan  7 saacadood gudahood.

Booliisku waxa uu ganaax iyo liisanka oo laga dalooliyo u qeybiyey 25 qof.

13 kamid ah waxa ay ku wadeen baabuurka xawaare sare, labo waxaa lagu ganaaxey in aanu suunku uxidhneyn, laba  liisan koodii ayay soo ilaabeen,  1 qof waa uu sakhraansanaa, 1 qof laydh cas  ayuu iska dhaafey, halka ay qaar kale telefoon ku hadlayeen ama ay Ipad gacanta ku hayeen .

Marka hawlgalkan oo kale la sameeyo maaha wax la’la yaabo in waxyaabahan oo kale uu booliisku la kulmo ayuu sheegey madixii heeganka  Booliiska koonfur bari  Yuland waxaase uu dadweynaha ku wacyi galliyey in ay sharciga dhawraan si ay uga baaqadaan in loo ciqaabo.

 

Diyaarinta warka

Mohamed-amiin Siyad Abdi

Category