Korneyl Tukke oo lagu xukumay in uu bixiyo magdhaw lacageed oo dhan $ 500.000 oo dollar

Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano Tuke ayaa lagu helay eed aheyd inuu masuul ka ahaa jir dil 31 sanadood ka hor loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay in uu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhawo ah.

sss
Mr. Warfaa oo ah ninka dacwada ku oogey 

Farxaan Maxamuud ah shaqsiga dacwada ku soo oogay Sarkaalkan Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dambi looga galay mid ka mid ah wadamada Geeska Afrika in lagu qaado dal Shisheeye oo Mareykan ah.

Korneyl Tuke waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliya ee dowladii Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, Kornaylka wuxuu ka mid ahaa sarakiil tababar fiican ku soo qaatay dalka Maraykanka sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

 

cxdf

                                     Kooxdii warfaa taageeraysay oo xukunka kadib u dabaaldagaya guushooda.

Category