Ku dhawaad 20 qof oo ku samoobay hilib ay cuneen Galgaduud

Guriceel (RH)- Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in tuulo ku taalla degmada Balanbale ay ku sumoobeen illaa 20 qof, kuwaas oo cunay hilib laga kariyay goob xus ama Alle bari uu ka socday.


Weriye ka tirsan Idaacadda Kulmiye oo ku sugan gobalka Galgaduud, ayaa soo sheegaya in dadkan la arkay iyagoo hal mar miir daboolbay, waxaana hadda lagu daweenayaa isbitaalol ku kala yaalla Balanbal iyo Guriceel.

Dadka deeganka ayaa sheegay in dadkan ay ku sumoobeen hilibka neef Geel ah oo ay qasheen.


Ma ahan markii ugu horreysay oo dad ku sumoobay hilib ay cuneen ay ka dhacdo gobalka Galhaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category