Kufsigii Xamdi: Eedeysane baxsad ahaa oo Galmudug lagu qabtay

Dhuusamareeb (RH)-Booliiska Galmudug ayaa xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay ku soo qabteen eedeeysane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo maalmo kahor kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Muqdisho.

Wiilkan oo da`diisa lagu sheegay 24 jir, ayay booliisku sheegeen inuu ka soo baxsaday magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Zakiya Xuseen ayaa shacabka Galmudug uga mahad celisay sida ay ula shaqeeyeen booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 qof ay u soo qabteen kiiska Xamdi, isla markaana baaritaanka uu marayo heer wanaagsan.

Xamdi oo jirtay 20 sano ayaa Jimcihii la soo dhaafay laga soo tuuray dhismaha hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in kufsina loogu geystay. Waxay ka mid ahayd ardaydii imtixaanka dugsiga sare sannadkan ka baxday.

ISHA: BBC

Category