Lix qof oo shacab ah oo lagu dilay Mudug ayaa maanta la aasay

Gaalkacyo (RH)-Meydadka lix qof oo rayid ah oo shaley lagu dilay deegannada u dhexeeya Kaxandhaale iyo Goldogob ee gobalka Mudug, ayaa saaka lagu aasay deeganka Kaxandhaale oo markii horre ay ka tegeen.

Dilkan ayaa loo aaneenayaa colaado ku saleysan dhinaca qabaa'ilka oo in muddo ah ka taagnaa deeganka.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka tirsan Galmudug, ayaa BBC-da u sheegay in ay nasiib darro tahay in la beegsado dad shacab ah oo weliba safar ahaa.

Waxa uu sheegay dadkaas in ay laayeen maleeshiyaad ka soo jeeda Galinsoor iyo Bandiiradley isla markaana illaa hadda cidna in aan loo soo qaban.

Dadka dhintay waxaa ku jira saddex dumar ah oo mid ay uur lahayd, sida uu sheegay xildhibaanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category