Maamulka Baanka Dhexe JSL  Oo Ka Hadlay Baahiyaha ka jira Laamaha Baanka Ee Gobolada Dalka

Hargeysa(RH)Agaasimaha Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo, ayaa ka hadlay socdaal ay ku marayaan Gobolada Galbeedka Somaliland oo ay ugu kuurgalayaan laamaha kala duwan ee Baanka dhexe ee Goboladaas iyo qiimayn ay ku soo sameeynayaan Shaqaalaha, baahiya  jira si ay qorshaha ugu darsadaan.

Agaasimaha Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo oo socdaalkan ka hadlay ayaa sidoo kale ka hadlay Cashuuraha lagu qaado lacagta Doolarka iyo halka uu ku dambeeyey baankii Wajaale, waxaanu ugu horeyn yidhi “Halkan waxaanu socdaal ugu nimid Laamaha Galbeedka, oo aanu komeer ku sameeynayno, kormeer shaqaale iyo kormeer laameed, oo aanu sannadkiiba qiimayn ku sameeynayno shaqaalaha iyo wixii baahiya ee jira, wixii horumar ah ee jira iyo wixii qorshe ah ee hore u jiray, wixii ka fulay iyo qorshaha soo socda wixii aanu ugu tagalnay, markaas laamaha aanu maraynaa waa Gabiley, Boorama iyo ilaa Saylac ayaanu insha allaahu talaaca maraynaa, wixii noo qorsheysan ee hore u socon waayey iyo qorshaha soo socda, ayaanu dhammaan eegayna, ama dhisme ha noqdo, ama shaqaale ha noqdo ama tababar ha noqdo ama horumarin ha noqdee,  hawshaas baan u  imid oo aanu u soconaa”.

Agaasimaha mar uu ka hadlaayey cabashada cashuurta ee lagu qaado lacagta doolarka ah ayaa yidhi “Marka ugu horeeysa in Cashuuraha oo dhan lagu qaado lacagta Somaliland waxay ahayd siyaasada guud ee Dawladda, Cashuuraha bariga waxaa jira cayimado yar yar oo ku saabsan Liisamada iyo wax caynkaas ah, ayaa la sheegay in wali lagu qaado Doolar,laakiin waxaanu filaynaa in sannadka soo socda waxaas oo dhan go’aan laga gaadho karo, Miisaaniyadii hore ee 2018, ayey ku qorsheysnayd oo ay ku jirtay in cashuurta noocaas oo kale doolar lagu bixiyol, laakiin waxaanu filaynaa in Cashuuraha 2019 dhammaatood inay shilinka Somaliland noqdaan”.

Mar uu ka hadlaayey Bangigii Wajaale ee sanadkan horaantiisi la dhagax dhigay iyo halku ku dambeeyey ayaa yidhi “Ma jiro wax markiiba la fuliyaa, qorshe ayey u baahan tahay, dhaqaale ayey u baahan tahay, qiimayn ayey u baahan tahay, daraasadii baahida meesha ka jirtay waa la dhamays tiray, baahidina wey jirtaa, dhakhso ayaa loo hirgalin doonaa,waxaana ku dari doonaa qorshaha sannadka soo socda inay hirgasho, waxayna tahay meesha ugu mudan ee aanu Baan ka furaynaa Wajaale ayey noqon doontaa insha alalahu talaaca”.

Dhinaca kale Agaasimaha Baanku wuxuu ka hadlay qiimaha sarifka, waxaanu tilmaamay inay wadana dadaalo ay doonayaan inay dib u soo celiyaan qiimihii uu lahaa Shilinka Somaliland, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay isitcmaalaan oo ay awooda saaran isticmaalka lacagtooda.

 

Category