Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Fariin U Diray Shacabka Ku Nool Caasimada Hargeysa.

Hargeysa(RH)Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood  ayaa ugu baaqay guud ahaan shacbiga ku dhaqan magaalada Hargaysa  in aanay dul dagin halka ay maraan dhuumaha biyaha qaada iyada oo ay socoto mashruucii biyo balaadhinta ee caasimada Hargaysa

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood   waxa uu fariin u diray hayadaha ay ka wada shaqeeyaan mashruuca biyo balaadhinta caasimada sida dawalada hoose maamulka gobolka maroodi jeex iyo wasaarada biyaha sidii loo wada ilaalin lahaa dhuumaha biyaha soo qaadaya iyo qalabka biyo balaadhinta.

Geesta kale waxa uu ku bogaadiyay gudidyada dagmooyinka caasimada hargaysa doorka wanaagan ee ay ka qaateen ilaalinta dhuumaha biyaha kuwaasoo dadka ka wacyo galiyay in aan la dul dagin dhuumahaasi

Ugu danbeyn waxa maareeyhu uu u ku hanbalyeey khudbad sanadeedkii uu dhawaan u jeediyay golayaasha qaranka isagoo ku amaanay waxqabadka dhinaca horimarinta biyaha ee dalka

 

Category