Maayarkii hore ee Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla Oo Maanta Geeriyooday

Hargeysa(RH)Allah ha U Naxariistee waxaa maanta  oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 magaalada Hargeysa ku geeriyooday Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku Hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland ayaa dhambaal Tacsi ah u direy waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Category