Macallinkii horre xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya oo geeriyoday

Toronto (RH)-Magaalada Toronto ee waddanka Canada, waxaa xaley ku geeriyooday allaha u naxariisto Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere) oo ka mid ahaa cayaartoydii horre ee xulka Soomaaliya ee kubadda kolayga.

Marxuumka ayaa la sheegay in muddo lix bilood uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaalla magaalada Toronto, halkaasoo uu ku dhintay.

Marxuumka ayaa sannadkii 1973-dii ka mid noqday cayaartoyda heerka koowaad ee dalka, isagoo u soo cayaaray kooxda kubadda kolayga ee Jeenyo-ka-Jeenyo.

Cabdidheer ayaa kula guulaystay kooxda Jeenyo sideed koox.

Dagaalladii sokeeye ayuu marxuumka u qaxay, waxaana uu macallin u ahaa dhallinyaro Soomaali ah iyo kuwa ajnebi ah oo ku noolaa dalka Canada.

Sidoo kale, marxuum Cabdi dheer ayaa macallin u soo noqday kooxda qaranka kubadda kolayga ee Soomaaliya.

Marxuum Cabdi Dheere, ayaa intii uu macallinka u ahaa kooxda kubadda kolayga guulo la soo gaaray kubadda gaar ahaan cayaaro ay ku soo cayaareen waddamo ku yaalla Afrika iyo Carabta

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category