Madaxda Soomaalida oo Baydhaba uga arrinsanaya xaaladda amni ee dalka

Baydhaba (RH)-Magaalada Baydhaba waxaa maanta oo Axad ah gaaray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goballeedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisal wasaaraha, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayaa xilliyo kala duwan ka dagay garoonka diyaaradaha Shaati-Guduud ee magaalada Baydhaba.

Madaxda waxaa soo dhaweeyey shacabka magaalada Baydhaba iyo madaxda maamulka Koonfur galbeed oo ugu horreyo madaxweynaha Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxda weli wax war ah kama siin saxaafadda safarkooda Baydhaba, balse waxaa horrey magaalada Baydhaba loo sheegay inuu ka dhici doono shirka golaha amniga qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa la filayaa in galabta galinka dambe uu ka furmo magaalada Baydhaba.

Ammaanka magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeyey, waxaan wadooyinka lagu soo daadiyey ciidamo badan oo baaraya gaadidka iyo dadka maraya aagga madaxtooyada Koonfur galbeed oo shirka uu ka dhacayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category
Location