Madaxwaynaha JSL iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland

Hargeys(RH)Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka subaxii hore safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland.

U jeedada socdaalka Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Xoggo hoose sheegayaan in ay tahay in uu kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyo goboladaasi, ka dib markii dhaliil badani ugu timid shacabka Maadaama Oo Madaxweynuhu gobolada bariga tagin sidii loo doortay .

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu xadhiga ka soo jarayo Jeel cusub oo loo sameeyay Magaalada Burco.

Geesta kale socdaalkan ayaa waxaa warar qaar sheegayaan in uu yahay Turxaan bixin iyo ka jawaabid cabasho muddo badan hortaalay Madaxwaynaha taas oo ahayd saamiga Xukumaddiisa ay ka heshay Beesha Bariga Burco

Madaxwayne Biixi ayaa la filayaa in uu ku sii nasto Magaalo Xeebeedka Barbara uguna gudbo Burco  .

Wararkaasi Safarka Madaxweynaha Oo Faah-faahsan filo Goordhow

 

Category