Madaxweynaha DDSI Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Somaliland

Jig-jiga(RH)Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Xafiisiisa ku qaabiley Wafti Wasiiro ah oo ka socday Somaliland,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay socdaalka shaqo ku joogay Magaalada Jigjiga .

kulankaas kadib, waxaa warbaahinta si wada jir ah ula la hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Wasiirrada Wasaaradaha  Maaliyadda Md. Mubashir Dubbad iyo Biyaha Md. Bashiir Shaafi Cumar oo sheegay in kulankaas lagaga hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida  ee dhinacyada ganacsiga, amniga iyo isu socodka bulshada ee labada dal.

Waxa kale, oo kulankaas dhexmaray weftiga Somaliland iyo masuuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida lagaga hadlay horumarka dhaqaale ee laba dhinacba u yeelan doono mashruuca marinka loo yaqaano Berbera Cooridoor iyo sii xoojinta amniga, iyadoo laga wada shaqeynayo wixii loo arko inay amniga waxyeelayaan.

 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka iyo wada dhalashada ah ee ay wadaagaan labada dawladood iyo labada bulsho, waxayna tilmaameen in xidhiidhka ka dhexeeyaa yahay mid dhinac kasta taabanaya, iyagoo masuuliyiintii halkaa ka hadlay mid kastaa dhiniciisa balan-qaaday in xidhiidhka, iskaashiga  iyo isu socodka labad dhinac intaa laga sii kordhin doono.

 

Category