Madaxweynaha Eritrea oo booqasho labo maalin ku jooga Muqdisho

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in uu maanta iyo berri joogo caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha Eritrea, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan madaxda dowladda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay , waxaana la xiray waddooyinka soo gala garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Imaashiyaha madaxweynaha Eritrea ayaa ka dambeesay markii sidan oo kale booqasho uu ku tagey madaxweynaha Soomaaliya waddanka ku yaalla geeska Afrika.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category