Madaxweynaha Eritrea oo booqasho rasmi ah ku jooga Itoobiya

Addis Ababa (RH)-Madaxweynaha waddanka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Sabti ah booqasho taarikhi ku tagay waddanka Itoobiya.

Madaxweyne Afwerki iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Mr. Afwerki iyo wafdigiisa ayaaa booqasho seddax cisho ku joogi doona Itoobiya, waana markii ugu horreysay 20 sanno kaddib oo xiriirka labada uu soo hagaago.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa toddobaadkii horre tagay waddanka Eritrea isagoo la kulmay madaxda dalkaas, waxaana uu sheegay in uu dhammaaday colaaddii labada ka dhex aloosneed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category