Madaxweynaha Jsl Oo Hargeysa Ka Daah-furay Buugga Barashada Maaddada Waddaniyadda ee Jaamacadaha Dalka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furay Buugga barashada waddaniyadda ee lagu dhigan doono Jaamacada Dalka.

Munaasibadda daah-furka buugga barashada waddaniyadda ee jaamacadaha dalka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, ayey daah-furkeeda madaxweynaha kala qayb-galeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, badiba aqoonyahannada ugu caansan dalka, siyaasiyiin, madax ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka, madaxda ugu sarraysa wasaaradaha waxbarashada, xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagu sharraxay muhiimadda ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu fadhido maaddada waddaniyadda oo markii ugu horraysay la bari doono ardayda ku jirta jaamacadaha dalka.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Jamaal Cabdi Muuse oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warramay dedaalka ay wasaarad ahaan u galeen sidii ay buuggan usoo saari lahaayeen, waxana uu si gaar ah ugu mahadnaqay aqoonyahankii kala duwanaa ee talada iyo tusaalaha la garab joogay muddadii ay ku gudo jireen qorista iyo diyaarinta buuggan ku biiri doono manhajka dalka.

Xubno kamid ah aqoonyahanka iyo madaxda qaar kamid ah jaamacadaha dalka oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay da’yarta soo koraysa ee hayaanka waxbarashada u leedahay maaddadan barashada waddaniyaddu iyo sida ay kor ugu qaadayso wacyigooda dhinaca jacaylka dalkooda.

Wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toonto iyo Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadan, ayaa si isku mid ah u sheegay inay maadddan barashada waddaniyaddu buuxin doonto kaalin muhiim ahayd oo ka maqnayd da’yarta waxbaranaysa, islamarkaana ay masuuliyiin ahaan xil weyn iska saareen sidii uu buuggani u noqon lahaa mid taabbo-gal ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hor intii aanu daah-furin buuggan barashada waddaniyadda, waxa uu sharraxaad qoto dheer ka bixiyey macnaha ku duugan Ereyga waddaniyadda iyo sida uu u iftiiminayo ee uu dhallinyarada u fahansiinayo xuquuqda lagu leeyahay iyo xaqooda gaarka ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Barashada waddaniyaddu markaan si walba u eegay waxay iigu dhawaatay habka maaraynta maamulka qaranka oo dhan, markaad si kale u eegto ee aad fududayso waaba sharci ka dhexeeya muwaadinka xuquuqdiisa siyaasi, xuquuqda uu leeyahay iyo xuquuqda uu isaga dalku ku leeyahay, nuxurka eregaygaasi waxa weeye qofkii muwaadinka ahaayow adigu maxaad xuquuq leedahay ee sharcigu ku siiyey, mid siyaasi, mid dhaqaale, mid naf ilaalin, mid xoolo ilaalin iyo mid aad dadka kula dhaqanto, adigana maxaa lagugu leeyahay.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu maaddada waddaniyadda oo buugaag ahaan u daabacan ku wareejiyey madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo jaamacadaha dalka, si ay u hirgeliyaan oo ay ugu daraan manhajka ay ardaydu sida joogtada ah u qaadato.

 

Category