Madaxweynaha JSL Oo Ka Qeybgalay Xaflad Loo Qabtey  1,290 Arday  Oo ka Qalin Jebiyey Jaamacada Hargeysa

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse  Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacada Hargeysa oo Dufcaddii 17aad ay ka baxeen  1,290 Arday  oo dhammaatoodba dhamaystay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso.

 

Munaasibadan oo ay kasoo qeyb-galeen Masuuliyiinta axsaabta qaranka Somaliland, Diblumaasiyiin, xubno kamida Baarlamaanka Somaliland, maamulka Jaamacada Hargeisa iyo Waalidiin tiro badan ayaa laga jeediyey khudbadbado kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray dardaaran duco iyo hambalyo ku socday ardayda maanta qalin-jebinaysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka Jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn Hambalyo iyo duco u diray ardayda qalin-jebisay “Waxaan u hambalyeynayaa dhalinyarada maanta qalin jebinaysa, waxaanan ugu ducaynayaa in Noloshooda iyo mustaqbalkoodu noqdo mid Ifaya oo kheyr leh oo Barwaaqo iyo bash-bash ku noolaadaan, waxaan hambalyeynayaa waalidkii ku tabcay, macalimiintii ku tacabtay Jaamacada iyo qofkasta oo gacan ka geystay sidii dhalinyaradeenu wax u baran lahayd, waa maalin weyn oo farxad leh oo kun iyo saddex boqol ku dhawaad (1290) dhalinyaro ah oo Cilmi ku Gashaaman kusoo kordheen Cudduda Shaqaalaha iyo Cudduda Difaaca dalka iyo Cudduda bahda Caafimaadka ee Cudurada la dagaalanta ee ay Jaamacada Hargeysa soo diyaarisayna waa Illaahay mahadii mar labaad baan ugu tahniyadaynayaa.

Madaxweynaha ayaa bulshada kula dardaarmay in loo baahanyahay in danta guud laga wada tashado si loo gaadho halka qaranku higsanaayo “Waxaynu u baahanahay inaan ka tashano danteena innaga oo is tilmaamayna, waxaa hubaala tacliinteenu halka aynu doonayno iyo meel u dhow midna inaanay joogin ayaa xaqiiqo ah, dhammaanteen waxaa looga baahan yahay sidee halkaa u gaadhsiinaa, maanta dalkeena inta Banii-Aadamku raadinayo ayaa taalla Cadceedaa ugu wanaagsan oo adduunku kala badh oo badh Cadceed bay la’ayihiin, Ciid wanaagsan bay la’ayihiin, Roob bay la’yihiin intaaba Illaahay waa innagu manaystay, Ilaahay wuxuu innagu manaystay in la hubiyey in dhulkeena Baatrool ka buuxo oo macdanta qaaliga ah ee dahabku ugu horeeyaa meel dhaw oo aan qodis badan lahayn ku jirto oo hubaala, Shirkadaha caalamka oo dalkasta oo adduunka kamida iyo shirkadkasta oo baatrool baadha iyo mid Macdan baadhaba waa ina dul taagan tahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Bulshada reer Somaliland kala dardaarmay qabyaalada, waxaana uu xusay in loo baahan in la xoojiyo hannaanka Xisbiyada waxaana uu yidhi Madaxweynuhu “Qabyaalada waxaan kaga bixi karnaa saddexdaa xisbi hadii nin waliba mid ku biiro oo aynu xisbi ahaan isu aamminno oo sidaa Xisbiyadu isu dhaliilayaan laysu dhaliilo oo runta loo sheego, shaqada Xisbiyada mucaaridka ah waa inay Dawladda marada ka qaadaan qaladkay gashaba waa shaqada loo diray oo waan soo dhaweynaynaa”.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada ku boggaadiyey dedaalkii ay ka galeen marxaladii Xanuunka Covid19, waxaana uu dhankooda u mahadnaqay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay “Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa Jaamacada iyo Bahda Waxbarashada oo dhan siday uga dabaasheen Xanuunkii Covid 19 dhibaatadii timi, waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka arrintaa dedaalka ay labaduba ka galeen, mid Caafimaad u gurmatay mid ku dedaashay ardaydii inaanay tacliinta seegin oo ay u mariyaan muuqaal”.

Ugu Danbayntii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Wakhtigii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku soo dhaw yahay loona baahan inay noqoto mid dadka u horseeda horumar iyo wanaag waxaana uu yidhi “Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashadaasi noqoto mid inoo keenta Horumar is jaceyl iyo midnimo, walaalo tartamay oo aan Coloobin, waynu koraynaa Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelaayo waa la korayaa, ma noqonayno inaan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto umana baahnin, mar labaad baan u mahad naqayaa Jaamacada Ardayda qalin jabinaysana u Hambalyeynayaa, Horumar baan inoo rajaynayaa”.

 

Category