Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Qaatay Shir Gudoonka Guurtida & Wakiilada Iyo Gudidii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay  Shir Gudoonka Golayaasha Guurtida & Wakiilada iyo  guddidii hore ee doorashooyinka qaranka Somaliland oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici)

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

 

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in   shaqadii ay soo qabteen ahayd  masuuliyaddii loo igmaday  iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.

 

 

Category