Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-furay Shirka 7-aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirka Toddobaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta Hargeysa ka furmay, islamarkaana lagu doortay hoggaan uu golahaasi yeelan doono shanta sanno ee soo socda, iyaga oo sidoo kalena ansixiyey xoghaye guud iyo xubnaha guddida fulinta xisbiga oo uu madaxweynuhu soo magacaabay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga oo isagu xaq u leh magacaabista xoghayaha guud ee xisbiga, ayaa ugu horrayn la wareegay shir-guddoonka madasha, waxana uu kal-fadhiga horkeenay, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi oo uu usoo magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga, iyada oo xubnihii madasha fadhiyey ee golaha dhexena cod aqlabiyad ah ku taageereen.

Intaas kaddib, waxa shirka golaha dhexe ee Toddobaad lagu doortay shirguddoonkii golahaas hoggaamin lahaa muddada shanta sanno ah ee soo socota, kuwaas oo kala ah xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo loo doortay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga. Cali Maxamed Cali (Cali Cali-ow) oo isagana loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe, halka Mustafe Maxamed Yoonis loo doortay inuu noqdo xog-hayaha golaha dhexe ee xisbiga.

Sidoo kale, waxa ay xubnaha golaha dhexe ansixiyeen 31-xubnood oo guddida fulinta ee xisbiga ah oo uu madaxweynuhu soo magacaabay, kuwaas oo kala ah 25-xubnood oo cusub iyo 6-da xubnood oo hoggaanka xisbiga ah.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo katirsan xisbiga KULMIYE, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin oo doorashada xubnaha golaha dhexe hagi doona iyo xoghayaha guud ee xisbiga oo uu madaxweynaha, ahna guddoomiyaha xisbigu magacaabay, islamarkaana ay cod aqlabiyad ah ku oggolaadeen xubnaha golaha, ayaa bogaadiyey hoggaanka la doortay, waxana ay kula dardaarmeen inay xilkooda u gutaan si habsami leh, islamarkaana ilaaliyaan midnimada xisbiga iyo wada-jirkiisaba, isaga oo guud ahaan hoggaanka xisbigana ugu baaqay inay garab galaan hoggaanka la doortay.

Saddexda xubnood ee loo doortay shir-guddoonka xisbiga KULMIYE oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa xubnaha golaha dhexe uga mahadceliyey xilka ay u doorteen, waxana ay caddeeyeen inay si xilkasnimo leh u hoggaamin doonaan golaha muddada ay xilkaas hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dheeraaday waajibaadka iyo masuuliyadda golaha dhexe ee xisbiga saaran iyo sida ay tiir-dhexaadka ugu yihiin hawlaha xisbiga, isaga oo hoosta ka xarriiqay in shaqooyinka horyaalla gole ahaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Golaha dhexe masuuliyaddiisa koowaad waa inuu hirgeliyo aragtida ama hiraalka xisbiga ee shirweyne guddoomiyey, xeerkiisuna qeexayo, aragtidaas shirweynuhu tilmaamay waxa waajib ku ah golaha dhexe inuu ka sameeyo qoraal uu ka sameeyo oo u beddelo siyaasad, taas oo noqonaysa maanafeestada xisbigu ku galo doorashooyinka.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyaa tahay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, islamarkaana aan cidna looga habranaynin difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, “Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hay’ado kala duwan ee dalka ku sugan, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somalialnd, waxana uu yidhi,“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa oo ay kamid yihiin hay’ado badan oo isku magacaabo samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga ururusada waxanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA, ee dawladdaas ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso, wakiilka qaramada qaramada midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawladd kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo qarannimadayada, waxannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.”

Waxa uu madaxweynuhu digniin culus u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’adaha kale ee ku abtirsada, isaga oo uga digay inay Somaliland la yimaaddaana awaamiir laga soo waariday dawladda Soomaaliya, “ka yeelimaynno Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta, inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar ay nagula dhaqmaan oo ay Somaliland keenaan, waana xaaraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shirkii Toddobaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla maanta soo xidhmay, waxana halkaas lagu doortay shir-guddoon golahaas hoggaamin doona muddo-xileedka soo socota, iyada oo xubnaha golaha dhexena gudo geli doonaan hawlahooda shaqo.

 

 

Category