Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-Geel

Laas-geel(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, waxana uu soo indho-indheeyey xaaladda ay sugan tahay goobta taariikhiga ah ee dalxiiska loo tagaa.

 

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel, ayaa gelinkii dambe ee shalay goob-goob u galay meelaha taariikhiga ah ee ku yaalla Laas-geel, waxanu indhihiisa ku arkay waxyaabaha taariikhiga ah ee halkaas ku sugan, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha dunida dacalladeeda ka yimaadda.

 

Ugu horrayn xubno kamid ah maamulka degmada Laas-gaal oo iyagu gacanta ku haya goobaha Aasaarta qadiimiga ahi taallo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo halkaa ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la filayo inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa kumannaan sano ka hor.

 

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay qaranka u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo qayb ka ah tallaabooyinka ay ku doonayaan inay goobtan ka dhigaan meel lagu soo hirta oo ay u dhammaystiran yihiin wax kasta oo ay dadka dalxiisayaasha ahi u baahan yihiin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn waxa uu u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

 

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay Il dhaqaale oo dalka dakhli badani kasoo geli karo, islamarkaana ay Somaliland leedahay goobo badan oo loo dalxiiso,  “Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda, waayo waxa aynnu leenahay dhul adduunka oo dhammi yaqaanno oo dalxiiska caan ku ah oo haddii aynnu habaysanno, dadkeedii noqonno oo dadka inoo imanayaa ay inaga helaan nabad iyo wax wada-qabsi aynnu lacag badan ka helayno, oo gobollada oo dhan ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Category