Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Sameeyey Xilka Qaadis iyo Magacaabis

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-269/022019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol iyo ku xigeenkiisa.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Ku:         Axmed Diiriye Cabdillaahi

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh                                         

 

Ku:         Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale)

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh                                                  

 

Ujeeddo:             Xil-ka-Qaadis

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

 

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.

 

Magacaabid

Markaan Arkay:                                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:      La-tashi;

 

Waxaan Go’aansaday;

 

In aan masuusiliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

1.           Nuur Cismaan Guuleed                 Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh

 2.          Maxamed Cali Axmed    Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh

 

 

Category