Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

Markaan Arkay:         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:         Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Baashe Cawil Cumar

Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya

2.

Xasan Hirad Yaasiin

Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

3.

Bashiir Sheekh Cumar Good

Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka

4.

Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar)

Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) 

5.

Xasan Axmed Ibraahin (Embassy)

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

 

 

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

 

Category