Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabey Masuuliyiin Cusub

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Komishanka Maamul-Wanaaga, Xeer Lr. 58/2012;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka, Xeer Lr. 67/2015;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Guddida Dhawrista Tayada, Xeer Lr. 68/2014;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1)   In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Axmed Jaamac Maxamuud

Xubin

2.Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed

Xubin

3.Maxamed Axmed Cawaale

Xubin

4.Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi

Xubin

5.Dayib Aadan Xaaji Cali 

Xubin

 

 

2)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

 

Magaca

1.Naasir Ayjeex Jaamac Agaasimaha Fulinta

2.Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim

Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka

3.Maxamed Jaamac Siciid Agaasimaha Tababarada iyo Horumarinta Hawl-wadeenada

4.Maxamed Abiib Yuusuf Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka

         

3)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay'adda Dhawrista Tayada u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

1.Faysal Maxamuud Siciid

Xubin

2.Maxamed Ismaaciil Dhimbiil (Suufi)

Xubin

3.Cali Sheekh Muxumed Aw Cabdi

Xubin

4.Xasan Maxamuud Maxamed (Bakoosh)

Xubin

                      

4)      In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1.Xuseen Xaaji Xasan Guuleed

Guddoomiye

2.Maxamed Xasan Sheekh Muumin

Guddoomiye Ku-xigeen

3.Cabdirisaaq Muuse Faarax

Xubin

4.Cismaan Jaamac Aadan

Xubin

5.Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse)

Xubin

6.Axmed Cali Xirsi (Sulub)

Xubin

Masuuliyiintii xilalkan hore u hayey waxaan uga mahad-celinayaa muddadii ay Qaranka u soo shaqeeyeen.

 

 

 

 

Category