Madaxweynaha Somaliland Oo sameeyey Xilka qaadis iyo Magacaabid

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis

 

 

Ku:         Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon

                Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

 

Ku:         Axmed Xasan Cigaal Sahal

                Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay:                                Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:                                Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:                       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:                      La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

Tir

Magaca

Xilka

1-Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

2-Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)   Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

3-Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4-Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

Category