Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jarey Mashaariic Laga Hirgeliyey Berbera

Berbera(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Ugu horrayn madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa soo kormeeray mashaariic waaweyn oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada Laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada.

 

Meelaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray waxa kamid ah saddex waddo oo casri ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Berbera, kuwaas oo mid kamid ahi laba haad ka kooban tahay iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Berbera, isaga oo sidoo kale kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee Berbera.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey laanta uu Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Berbera iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Berbera, madaxda Baanka iyo hay’adaha kala duwan dhaqaalahana ku ammaanay sida ay u xakameeyeen kor-u-kacii lacagta Doollarka.

 

Garoonka kubadda cagta ee Cabdalle sandheere Stadium ee magaalada Berbera oo roogga casriga ah la dhigay, islamarkaana la casriyey, ayuu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, waxana uu wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed shaaca ka qaaday inay wasaarad ahaan hirgeliyeen casriyeynta garoonka, islamarkaana uu madaxweynuhu arrintaas kaalin mug leh ka qaatay.

 

Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan oo hadallo kooban ka jeediyey xadhig-ka-jarista waddooyinka cusub ee magaalada laga hirgeliyey, ayaa faahfaahiyey sida ay maamul ahaan iskaga kaashadaan horumarinta magaalada, islamarkaana ay xil iska saareen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi soo jiita maalingelinta ballaadhan ee ka socota magaalada Berbera.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka gobolka, isaga oo ka marag kacay sida ay iskaga kaashadeen horumarinta degmada iyo bilicdeedaba, waxana uu yidhi,  “Waxa aynnu u mahadnaqaynaa dadweynaha gobolka Saaxil iyo kuwa Berbera, runtiina waannu bogaadinaynaa maamulka gobolka iyo dadweynahaba, labaduba bogaadin bay leeyihiin oo maamulkiina hoggaamin wacan iyo la xisaabtan iyo inuu yidhaahdo wixii aad Ii dhiibteen waxaas baan idiinku qabtay iyo Daah-furnaan uu yidhi wixii aad dhiibteen waakaas oo meel walba wixii loo qorsheeyey baa la helay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Berbera heshay hoggaamin wanaagsan, isaga oo meesha ka saaray wax dheeraad ah oo si gaar ah loo siiyo magaalada Berbera, “Dad badani waxa ay qabaan in dawladda Hoose ee Berbera ay taageere dhaqaale oo dheeraad ah hesho oo ay dekedda ka hesho, waxanse sheegayaa inaanay wax dheeraad ah oo dawladda Hoose ee Berbera heshaa aanay jirin, Berbera hoggaamin wacanna way heshay, dadkoodiina way aamineen, waxoodiina way isku darsadeen, wixii ay dawladda dhexe ay ka heleenna dadka kale ayey ula mid yihiin, markaa maamulka waxan usoo jeedinayaa in qorshahoodu uu gobolka oo dhan gaadho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu socod lug ah ku maray laamiyada kala duwan ee magaalada Berbera, isaga oo la shaaheeyey shacabka magaalada.

Category