Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis iyo Magacaabid Sameeyey

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegto uu soo-saarey wuxuu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa.

Wareegtadaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka ee Radio Hormuud ayaa dhignayd sidan:-

Xil Ka-qaadis

 Madaxweynuhu wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday  masuuliyiintan hoos ku xusan:-

1-Maxamed Daahir Axmed Furre oo ahaa Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2-Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin oo ahaa  Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka.

3-Cabdi Nuur Sugaal oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal.

4-Naasir Ayjeex Jaamac oo ahaa Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka.

5-Maxamed Abiib Yuusuf oo ahaa Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka.

Waxaanu madaxweynaha JSL uu wareegtada xil ka qaadista ah ku yidhi  “Mudanayaal,Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.”

Sidoo kalena,  Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland

3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal

7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka

8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka.”

 

Category