Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha xilka baarlamaanka ka dagaya

Jawaari ayaa shirka jaraa’id ku xaqiijiyey in uu iska casilay xilkii afhayeenka baarlamaanka isla markaana berri uu sii rasmi ah uga hor jeedin doona xildhibaannada baarlamaanka.

Waa markii ugu horreysay oo la arkay madaxweynaha iyo Jawaari oo si wadajir ah uga soo muuqday shir jaraa’id tan iyo markii ay soo baxday khilaafka baarlamaanka oo dilaacay 14-kii bishii horre ee Maarso.

Jawaari oo ugu horreyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in uu oggolaaday in uu shaqada ka tago isla markaana berri kulan ay yeelanayaan baarlamaanka uu ka sheegi doono in uu xilka ku soo celin doono golaha maadama uu arkay xaaladda dalka uu marayo.

Waxa uu sheegay in uu go’aansaday in uu xilka ka tago maadama uu cirka isku shareeraray is qabqabsiga labada dhinac isla markaana shaqadii baarlamaanka uu hakad galay.

Wuxuu umad celiyey ummadda Soomaaliyeed isagoo ka raali galiyey walwalkii ay muujiyeen intii ay taagneed xiisadda ka dhalatay mooshinka laga keenay.

Jawaari marna uma mahadcelin madaxweynaha iyo xukuumadda oo ay is qabteen.

Madaxweyne Farmaajo oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa u mahadceliyey Jawaari go’aanka uu gaaray isagoo sheegay in uu yahay nin oday ah oo dalka u soo shaqeeyay muddo 50 sanno.

Waxa uu ka codsaday in uu sii wado shaqada iyo dib u dhiska dalka maadama uu yahay nin oday ah oo muddo soo shaqeenayey.

Waxaa la filayaa in uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey kaasoo si ku meel gaar ah u ahaan doona ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka illaa inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

Category
Location