Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Itoobiya

Addis Ababa (RH)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah ka degay magaalada Gondar ee waddanka Itoobiya, halkaasoo maanta galinka dambe uu ka furmayo shirka Soomaliya, Itoobiya iyo Ereteria.


Sidoo kale, magaalada Godar waxaa gaaray madaxweynaha waddanka Ereteria, Esaias Afeworki sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya ee EBC News.

Shirkan ayaa daba socda, shir horrey saddexdan hoggaamiye ugu yeesheen magaalada Asmara ee xarrunta waddanka Ereteria labo bilood ka hor, kaasoo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale ee waddamada geeska Afrika.


Ahmiyadda shirkan

Sida ay lee yihiin warbaahinta Itoobiya, shirkan ayaa ah mid muhiim ah, waxaana la filayaa in lagu dhiso urur ka shaqeeya is dhexgalka dhaqaale iyo sidii sara loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay yeeshaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya ammaanka waddamadan.

Warbaahinta Itoobiya oo ka hadashay imaatinka madaxweynaha Soomaaliya


Doorka Imaaraadka.

Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in dowladda Imaaraadka ay ku bixisay qabsoomidda shirkan $4 bilyan, taasoo la siiyay waddamada Itoobiya iyo Ereteria.

Waxaa muuqata in shirkan si dadbadan ay ugu lee dahay Imaaraadka oo rabta in ay ballaariso mashaariicda ay ku maalgalineyso dekedaha Soomaaliya.

Hardanka geeska Afrika iyo doorka Imaaraadka ayaa sii xoogeesanaya, iyadoo hadda Itoobiya ay rabto in ay istimaasho dekaddaha gobalka sida kuwa Soomaaliya.

Itoobiya ma lahan wax bad ah, waana tan keentey in ay ballaariso iskaashiga ay la lee dahay waddamadda Ereteria iyo Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somallia

Category