Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay guushiisa doorashadii Axaddii

Istanbul (RH)-Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay in shan sanno oo kale uu madaxweyne ka sii ahaado dalka Turkiga, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii Axaddii dhacday in ku dhow 53%, ninka ku soo xigay Muharrem Ince ayaa helay 31%, balse waxa uu sheegay in madaxweynaha la doortay uu dalka u horseedayo khatar maadama awoodda dalka ay gacanta ugu jirto han nin.

Mr ayaa ka codsaday madaxweynaha in uu madaxweyne u noqdo dhammaan dadka Turkida.

Dabbaal dagyo ayaa ka billowday magaalooyinka dalka Turkiga, waxaana taageerayaasha madaxweyne Erdogan iyo xisbgiisa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha ay ka soo hoyeen doorashadii baarlamaanka iyo midda madaxweyaha.

56 milyan oo qof ayaa ka qeybgalay doorashadii shaley oo ahayd mid xiiso badan, waayo madaxweyne Erdogan waxa uu la kulmay loolal xagga siyaasadda.

Doorashada Erdogan ayaa u suurtagalineysa in uu awoodda dalka la wareego maadama afti dadweyne oo la qaadday sannadkii dad ka badan 53% ay u codeeyeen nidaamka madaxweynaha.

Madaxweynaha la doortay ayaa awood u yeelanaya in uu soo magacaabo saraakiisha ciidamada, sidoo kale golaha xukuumadda iyo madaxweyne ku xigeenno.

Erdogan ayaa awood u yeelan doona in uu fargalin ku sameeyo hey’addaha garsoorka iyo in uu soo rogo xaalado degdeg ah.

Dadka ka soo horjeeda siyaasadiida ayaa ku doodaya in awoodiisa la ballaariyey taasoo Turkiga u horseedi karta in maamulkii horre ee ahaa isla xisaabtanka maamulka iyo xukuumadda uu meesha ka baxay.

Erdogan ayaa sheegay in awoodiisa ay korartay isagoo shacabka Turkida u ballaan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada xaga dhaqaalaha ee dalka waayahan dambe heesatay.

Erdogan ayaa khudbad ka jeediyey fagaaraha Taskin ee Istanbul ayaa sheegay in uu sii wadi doono dagaalka Aragagixisada looga xorreynayo goballada waqooyiga ee ku dhow Suuriya si qaxootiga Suuriya ay dalkooda dib ugu laabtaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category