Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go'aankii lagu riday xukuumadda Khayre

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in ay soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in uu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda haatan Dalku ku jiro, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka uu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Ayuu Yiri Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu ballan-qaaday in uu si degdeg ah u soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu  wuxuu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category