Madaxweyne Ismaaciil C. Geele . QAAD IYO QAACI

Maxaweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele  dabeecadihiisa iyo dhaqamadiisa gaarka ah  oo aanu kawareysaney dad sababo kala duwan uga ag dhawaaadey ayaa oo noo sheegay arimo isku mid ah.

 

Waxaanu ka soo  qaadaney saddexdan  arimood.

1-Qaadka

2- Qaaciga/ fanka iyo heesaha

3- Amaanta.

 

QAADKA: Madaxweynuhu geedkan aad ayuu u jecelyahay , xataa safarada dibada wuu uqaataa  oo maallin ma la’aan karo. Arinka qaadka ayaa madaxweyna iyo gollihiisa wasiiradaba ceebtooda dibada u soo saara marka ay shirkarka caalamiga ah ee mudada lafadhiyayo ka qeybgalaan  amaba ay dublamaasiyiinta reer galbeedka ah ee Jabuuti joogaa soo martiqaadaan  gallinka dambe ama fiidkii xilli barjaha taas oo ay  ka baaqsadaan goobta shirka ama hurdo kuqabto goobta shirka dhexsiisa.

vfgtr

 

vfgtq

QAACIGA:  Muusiga iyo fanaaniinta ayaa ah waxa dareenkiisa kiciya ama uu ku marqaamo,

Arinkan madaxweynaha iyo jacaylkiisa uu u hayo fanka ayaa mudooyinkii dambe aad u soo shaacbaxdey kadib kolkii la arkey talaabooyin muuqda oo ah in uu madaxweynuhu fanaaniinta ukaxaysto safarada dibada  sida kii uu muqdisho kutagey iyo kan ugu dambeeyay ee uu dalka shiinaha kutagey isaga oo fanaaniinta  kaba soo dhawaystay gollihiisa wasiirada.

Waxaakale oo caado noqotay  in madaxwaynaha wakiiladiisu  fanaaniinta qurbaha usoo diraan lacag tirobadan iyo tigidho si heeso amaana loogu soo sameeyo xilliyada munaasabadaha ha ahaadaan kuwo ,qaran , kuwo xisbi ama kuwo qoys.

vfgrtyu

Fanaaniita ayaa aad u daneeya marka dhawaaq baahiyeed ka yimaado Jabuuti , nasiibdaro se waxay lacagtaas tirada badani sababataa in dagaal ka dhex qarxo fanaaniinta sidii dhawr jeer oo hore dhacdey , waxaase nasiib yeesha  fanaaniinta loo doorto in ay iyagu jabuuti yimaadaan oo ay dawlada marti uyihiin,  si ay madaxweynaha amaan ugu miisaan una mafsuudiyaan.

fgr

 

Category