Madaxweyne ku-xigeenka JSL Oo Bookhday Safaaradda Itoobiya Ku Leedahay Somaliland Tacsina U Direy Dowlada Itoobiya

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)oo ay weheliyaan agaasimeyaasha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Barnaamijka shaqo qaran,  Maxamed Cali bile iyo  Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

ta

ayaa maanta tacsi iyo Baroor-diiq ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiintaasi ay saxeexeen buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.

tac

 

mu

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray dawladda Federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi oo uu ka tacsiyadaynaayo shilka diyaaradeed Shalay ka dhacay dalkaasi oo ay ku burburtay diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada xilli ay u kala socdaalaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi saarnaayeena 149 rakaab ahi iyo sideed ka mida shaqaalihii diyaaradaasi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta sharkadda Ethiopian Airlines.

mut

 

Category