Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Shirka Dibu-eegista Waxbarashada Qaranka

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah furay shirka Dibu-eegista Waxbarashada Qaranka oo lagu qabtay Caasimadda Hareysa, shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska qaar kamida Hay’addaha Caalamiga ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand Mdune, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirkaasi hadal ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey Barnaamijka Dibu-eegista Waxbarashada Qaranka waxaana uu yidhi“ Waxaa maanta runtii farxad weyn ii ah inaan ka Soo qeyb galo Barnaamijka Dibu-eegista Wasaaradda Waxbarashada ee sannad walba dib loogu eego halkay marayso Tacliinta runtii oo laf-dhabar u ah ummadd kasta oo jirta, aad iyo aad baan runtii ugu mahadnaqayaa wasaaradda waxbarashada hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayso”

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay waxbarashadu ku haboon tahay in baalaha laga wadda joogo waxaana uu yidhi markale “Waxaan halkan aad iyo aad uga hambalyeynayaa gobolada runtii waxbarashadoodu kor usoo kacday, waxaa kamida waxyaabaha waxbarashadu kor ugu soo kacdo, Dawladd na keligeed waxba ma qaban karto, wasaaradna keligeed waxba ma qaban karto , Macalina keligii waxba ma qaban karo haddaanu waalidku dhiniciisa kala soconin waxbarashadii”

Category