Madaxweynihii horre ee Mareykanka oo gaaray Kenya

Nairobi (RH)- Madaxweynihii horre ee Mareykanka, Barack Obama ayaa maanta gaaray dalka Kenya, halkaasoo ay uga billaabatay booqasho labo cisho qaadan doonta.

Obama ayaa inta uu jooga Kenya waxa uu boqon doonaa dhulkii ay deggannaan jireen awawayaashiis ee ku yaalla galbeedka Kenya.

Obama ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo uu sidoo kale la kulmi doono hoggaamiyaha mucaaraadka Raila Odinga, ka hor inta uusan u safrin tuulada K’Ogelo oo uu aabbihiis ku so barbaaray.

Mr.Obama ayaa tuulada K’Ogelo ka furmi doona xarrun Sports taasoo leh garoon kubadda cagta iyo mid kubadda gacanta ah, isagoo sidoo kale bixin doona agab Sports.

Shaashado waaweyn ayaa lagu rakibay tuulada K’Ogelo si dadweynaha si u daawadaan xafladda furitaanka xarrunta Sports.

Mr. Obama ayaa markii ugu horresay booqday tuulada K’Ogelosannadkii 1987-dii, xilligaas oo uu ahaa nin dhallinyaro ah oo u ololeeya arrimaha bulshada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay magaaloyinka Nairobi, Kisumu iyo Siaya oo uu booqn doono madaxweynihii horre ee waddanka Mareykanka

Obama marka uu dhammeeysto booqashadiisa Kenya, waxa uu u duuli doonaa waddanka Koonfur Afrika, isagoo khudbad ka jeedin doona kulanka sannadlaha ee Nelson Mandela, isagoo khudbad u jeedin doona in ka badan 4,000 oo qof oo ku sugan magaalada Johannesburg bisha July 17.

Sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times, Obama waxaa la filayaa in uu shan maalin ku qaadto Johannesburg.

Waxa uu kulan la qaadan doonaa oo u tababbar siin doonaa in ka badan 2000 oo dhallinyaro ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category