Madweynaha Puntland oo sheegay madaxda DFS in aan laga aqbli doonin muddo kororsix

Garowe (RH)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in marnaba madaxda dowladda federaalka aan laga aqbali karin muddo korosi ah, haddii ay dalbadaan dibna loo dhigo doorashada 2021-ka.

Madaxweyne Deni,oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in habraaca doorashada Soomaaliya ay ku saleesan tahay in afartii sanno mar doorasho la qabto isla markaana taasi la fuliyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in labo sanno iyo bar madaxda dowladda federaalka aaney weli ka hadlin nooca ay noqon doonto doorashada 2021-ka waana arrin "nasiib darro"ayuu yiri.

Madaxweyne ayaa tilmaamay in 2016-kii lagu heshiisiyay in 2021-ka la qabato doorasho qof iyo cod, isagoo intaas ku daray in weli madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada aaney ka hadlin nooca doorasho ka dhici karta dalka.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay doorashadii Jubbalanad taasoo keentay in la khilaafo isla markaana Axmed Madoobe iyo labo nin oo kale loo doortay in ay yihiin madaxweyne.

Waxa uu sheegay doorashadii Axmed Madoobe in ay tahay mid wanaagsan oo ma ahan mid la diidan yahay doorashadaas.

Deni ayaa sheegay in aan la in kiri karin in rag kale loo doortay madaxweyne, balse loo baahan yahay in khilaafka jira si dhow loo xalliyo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category